Beesha Sacad oo ka mida Beelaha Habar-gidir oo wax ka degta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhar ciid u iibiyeen 400 caruur ay dhaleen ciidamo ku geeriyooday dagaalka Alshabaab ka dhanka ah ee ka socda Gobolka Mudug.

Munaasabad waxaa loo qabtay caruurta iyo waalidiinta halkaasoo si fagaare ah cunug kasta isaga iyo hooyadiisba farta looga saaray baqshad ay ku jirto lacagta dharka ciid loogu iibinaayo.

Caruurta ayaa qorshuhu yahay inaaney dareemin inay agoonimo ku seegeen farxada ciida sidaas daraadeed ayay waxgaradka Beesha Sacad ubixiyeen lacagta dharka ciid loogu iibinayaayo.
Caruurta la isku keenay lagana farxiyay  waxaa laga kala keenay  Galinsoor, Gawaan Hobyo,Wisil, Bajeela, Dowgaab, Docol,Bitaale , Gaalkacyo, Xero Dhagaxley, Dhuure, Dagaari, Sadexhiglo, Bandiiradley iyo deegaano kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 10 people, headscarf, dais and textMay be an image of 5 people, headscarf and textMay be an image of 6 people, headscarf, dais and text
Previous articleQaramada Midoobe maxay ka tiri weerarka lagu laayay shaqaalaha gar-gaarka
Next articleRa’iisulwasaaraha oo Caawa la afuray reer Degmada Kaxda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here