HomeCiyaarahaMid ka mida ciyaartoyda ajaanibta ah ee kooxda Dekadaha oo qaatay Diinta...

Mid ka mida ciyaartoyda ajaanibta ah ee kooxda Dekadaha oo qaatay Diinta Islaamka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Weeraryahanka kooxda Dekedaha ee kubada cagta heerka koowaad ee dalkeena kana dhisaman magaalada Muqdisho ayaa maanta qaatay Diinta Islaamka.
Ciyaaryahankan oo u dhashay dalka Côte d’Ivoiren ayaa markii towxiidka loo qabtay waxaa  loo bixiyay magaca Sayid Cumar.

Maamulka iyo ciyaartoyda Kooxda Dekadaha ayaa aad ugu farxay go’aanka uu qaatay ciyaaryahankaasi iyo sida Alle subxaanuhu watacaalaa u bad-baadiyay una siiyay mid ka mid nimcooyinka ugu waa weyn ee bini’aadamka Alle siiyo taasoo ah Imaanka.

Ma aha markii ugu horeysay oo kooxaha Muqdisho ka dhisan ay sabab u noqdaan in ciyaryahanada ajaanibta ah ee aan muslimka ahayn ay qaataan diinta Islaamka.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -