Muqdisho (dayniiile.com)-Taliye lagu magacaabo Abshir oo ka mida Taliyayaasha Ciidamada Xoogga ayaa xerada Geed Timir ee duleedka Muqdisho wuxuu kula hadlay Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga kuwaasoo loo diyaariyay inay u dhaqaaqaan furimaha dagaalka.

Taliyaha wuxuu kala hadlay ciidamada arimo dhowr ah sida Salaada,Balwada ,Dowladnimada iyo Qabyaalada.

Advertisement

” Waa inaad ka fogaataan balwadda kuna dadaashaan Salaadda Alle, diyaarna u ahaada difaaca dalka dadka iyo diinta.”ayuu yiri Taliye Abshir sida uu baahiyay Tv-ga Qaranka.

Taliye Abshir wuxuu u sheegay  Ciidamada in Qabiilku  fiican yahay balse ay xuntahay Qabyaaalada.

“Kaliya Qabiilka aan u adeegsano sidi Alle noogu sheegay oo ah inaan isku aqoonsano”ayuu yiri Taliye Abshir

Sidoo kale Taliyaha wuxuu askarta uga digay isticmaalka Balwada oo uu xusay inay badasho quruxda askarigu leeyahay.

“Quruxda hada aad leedihiib waxaa badali kara inaad balqad yeelataan “ayuu mar kale yiri Taliye Abshir

Mar uu ka hadlaayay Dowladnimada ayuu ciidanka kula dardaarmay inaan loogu soo gaban qabyaalad isagoo tusaale usoo waatay in ciidamada iyagoo furanta kuvsugan ay dhacdo in qabiil loogu yeero.

“Waxay ku dhihi doonaan adoo ka dagaalamaya jubaland ama koonfur-galbeed halkaasi ma qabiilkaada dega ogaada kuwaasi Caddowga ka dhex-hadlaya” ayuu yiri Taliyaha

“Ma waxaa jira qabiil dareys ku siinkara, mushaar ku siin kara, tababar ku siin kara, ma jirto yaan la idin qaldin”ayu mar kale yiri
Taliye Abshir

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleGud. Aadan Madoobe oo la kulmay jaaliyada Soomaalida ee Mareeykanka+Sawirro
Next articleMasuuliyiin QM iyo AU oo Muqdisho ku kulamay+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here