Mid Kamid Ah Ragii Weerarka Ku Qaaday Hotel Cas-Casey Oo Xukun Lagu Riday

0

Maxkamdda Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku riday Deeqow Caliyow Kuusow oo kamid ahaa raggii fuliyay weerarkii hotel Madiina ex Cascasey oo maanta loo u fariisatay gal dacwadeed la xiriira weerarkii iyo ismiidaamintii ka dhacday Hotel Madiina ex Cascasay 12-kii bishii  July ee sanadkii 2019- kaasoo ay gaysteen afar dhagar qabe oo ka tirsan Malleeshiyaadka Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaha Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Maxamed Axmed Yaasiin ayaa ugu horeyn Maxkamdda ka hor akhriyay danbiyada loo hesyto Deeqow Caliyo Kuusow iyo waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Intii ay socotay dhageysigga dacwadda ayaa Deeqow Caliyo Kuusow Maxkmadda ka hor qirtay dhammaan eedeyntii iyo cadaymihii lagu helay isagoona qirtay in uu ka tirsanaa Malleeshiyaadka Alshabaab islamarkaana uu si bareer ah u dilay dad aan waxba galabsan,isagoona Maxkamadda ka codsaday in loo cafiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee uu sida gardarada ah ku daadiyay.

Dhagaysigga dacwadda kadib Gaashaanle dhexe Bashiir Maxamuud Xareed guddoomiye ku xigeenka Maxkamdda Cidamada Qalabka Sida ee Jubbaland  ayaa ku dhawaaqay go,aanka ay Maxkmadda ka qaadatay kiisan, waxaana Deeqow Caliyo Kuusow lagu xukumay dil toogasho

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here