Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa shacabka Soomaaliyeed iyo Golaha Midowga Musharraxiinta u sii caddaanaya in Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday uu carqaladayn joogta ah ku hayo geeddi socodka lagu baadigoobayo doorasho wadar oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, iyadoo ujeedkiisu yahay muddo kororsi khilaafsan dastuurka, halisna ku ah xasilloonida dalka.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu shirka dib ugu laabto, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho wadar ogol ah oo si nabad ah ku dhacda.

Goluhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u caddaynayaa in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu qaadayo mas’uuliyadda fashilka ku yimaada shirka, tahayna in lagula xisaabtamo.

Ugu danbeyn Goluhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka beesha caalamka ugu jirto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo wadar oggol ah, wuxuuna goluhu ugu baaqayaa in ay qaataan mas’uuliyada ka saaran xaqiijinta yoolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here