War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa looga hadlay shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ay isugu imaanayaan Madaxda DF iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Midowga Musharaxiinta ayaana ku baaqay in shirka wadatasdhiga gogoshiisa la balaariyo lagana qeyb galiyo Musharaxiinta Mucaraadka, Gudoomiyaha Aqalka sare oo Wakiil ka ah gobolada Waqooyi iyo bulshada Rayidka.

Qoraalka Musharaxiinta ayaa looga digay in Madaxweyne Farmaajo shirka magaalada Dhuusomareeb ka abuuro khilaaf hor leh si uu mar marsiiyo uga dhigto dib u nooleenta damaciisa ku aadan mudo kororsiga

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here