
Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Wuxuu kaloo soo dhaweynayaa in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.