HomeWarkiiMidowga Afrika muxuu ka yiri Safiirka Israa'iil u soo dirsatay Somaliland

Midowga Afrika muxuu ka yiri Safiirka Israa’iil u soo dirsatay Somaliland

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu garab istaagay DowladaSomalia islamarkana si weyn loogu qaadacay xad-gudubyada ka imaanaya Israa’iil gaar ahaan Safiir ay laba maalin ka horu soo dirsadeen Hargeysa iyagoo Dowlad ahaan u aqoonsan Maamulka Somaliland.

Ururka Midowga Afrika  wuxuu si rasmi ah u cadeeyay inay ka soo hor jeedaan safiirka Cusub ay Isra’iil  sheegtay inay u magacowday Soomaaliland.

Sida lagu cadeeyay warsaxaafadeedka Midowga Afrika waxay taageereen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ,waxay diideen in lagu xad-gudbo wada jirka dhuleed ee Soomaaliya,sidoo kale Midowga Afrika waxay sheegeen inay Somaliland u aqoonsan yihiin qeyb ka mid ah dhulka Somalia.

Tallaabooyinka nuucaan ah ee halka dhinac ayay Midowga Afrika waxay ku tilmaameen mid khatar ku ah xasilloonida gobolka, Midowga Afrika waxay xuseen inay sii wadi doono taageerada ay siiyaan Dowlada Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -