HomeWarkiiMidowga Afrika oo si adag uga hor yimid aqoonsiga israa'iil ee Somaliland

Midowga Afrika oo si adag uga hor yimid aqoonsiga israa’iil ee Somaliland

Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika waxa uu diiday aqoonsi kasta oo Somaliland la siiyo, waxana uu mar kale caddeeyey sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Maxamuud Cali Yuusuf, waxa uu si weyn uga walaacsan yahay arrimaha ku saabsan Somaliland.

Arrinkan, Guddoomiyaha Komishanku wuxuu si aan gabasho lahayn u caddaynayaa mawqifka Midowga Afrika ee muddada dheer iyo joogtada ah, ee ku qotoma mabaadi’da ku qeexan Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika, gaar ahaan ixtiraamka lama taabtaanka xuduudaha laga dhaxlo xorriyadda, sida ku cad go’aankii 1964-kii ee Ururka Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Komishanku waxa uu si adag u diiday hindise kasta ama tallaabo kasta oo lagu doonayo in Somaliland loogu aqoonsado maamul madax-bannaan, isaga oo xasuusiyay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Isku day kasta oo lagu wiiqayo midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waxay ka hor imanaysaa mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, waxayna halis u tahay in la sameeyo tusaale khatar ah oo saameyn fog ku leh nabadda iyo xasilloonida qaaradda oo dhan.

Guddoomiyaha Guddiga wuxuu ku celinayaa sida hagar la’aanta ah ee Midowga Afrika ay uga go’an tahay midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale taageerada buuxda ee ay siinayaan dadaallada maamulada Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta nabadda, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo horumarinta dowladnimo loo dhan yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -