MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Midowga Arika ee Howlgalka AUSSOM ayaa maanta war ka soo saaray diyaaradii milateri ee maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha Muqdisho taasoo cilad soo wajahday darteed u qaraxday kuna soo dhacday dhulka xili diyaaradu siday hub iyo 8 askari.
Howlgalka AUSSOM waxay shaaciyeen in 3 ka mid ah askartii diyaarada saarneyd la soo bad-baadiyay islamarkaana iyagoo dhaawac ah la gaarsiiyay goobaha caaimaadka halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo.
Howlgalku ma cadeyn 5-ta kale hadii ay nool yihiin iyo hadii ay geerioyoodeen kaliya waxay tilmaameen inay wadaan howlgal lagu samatabixinayo taasoo muujimeysa inaysan wali kala cadeyn karin oo ay u badan tahay inay geeriyoodeen.
Warar warbaahinada madaxa banaan iyo baraha bulshada ayaa lagu shaaciyay in askartii saarneyd diyaarada intooda badan dhinteen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM