Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Haweeneyda lagu magacaabo Catriona Laing ayaa ka hadashay xurgufta u dhexeysa Maamulka Puntland iyo Dowlada faderaalka Soomaaliya.
Catriona Laing iyadoo si gaar ah ula hadleysay Dowlada Soomaaliya ayay ugu baaqday inay Puntland ku soo celiso Shirarka Golaha wada-tashiga Qaran.
Waxay carabka ku adkeysay inay aad muhiim u tahah in Puntland iyo Dowladu heshiiyaan madaama wax kastaa adkaan karaan hadii aan hada la isla shaqeyn.
“Waqti hada lagu jiro waxaa wanaagsan in si wada jir ah loo wada shaqeeyo islamarkaana is afgarad looga wada gaaro arimaha masiiriga ah gaar ahaan sida loo wajahayo doorashooyinka Dalka ee mustaqbalka dhaw”ayay tiri Catriona Laing
Haweneydaan waxay si gaar ah u tilmaamtay in Dowlada iyo maamul goboleedyadu ay tahay inay isla fahmaan dariiqa loo maraayo doorashooyinka.
“Waa muhiim in la isla sii fahmaa nuuca doorasho ee la qaadan doonto”ayay tiri Catriona Laing
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM