Ciidan iyo markab dagaal oo laga leeyahay Midowga Yurub ayaa soo bad-baadiyay dooni kaluumeysi oo dhawaan laga afduubtay demada Qandala ee Maamulka Puntland.

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa maalmo ka hor  qafaashay doonidaan, wixii markaas ka danbeeyay waxaa ku raad joogay ciidamada Badda maamulka Puntland inkastoo aysan ku guuleysan.

Advertisement

Ciidamada badda ee Midowga Yurub howlgalkiisa ilaalinta Xeebaha EUNAVFOR oo gacanta ku soo dhigay doonidaas la qafaashay iyo burcadii, waxayna ku wareejiyeen Maamulka Puntland si sharciga loo marsiiyo kooxaha burcada ah.

Doonidaan Kaluumeysi oo lagu magacaabo AL-MERAJ1 ayaa lagu wadaa in Maamulka puntland uu ku wareejiyo Dalka Iiraan oo laga leeyahay xili doonidaasi wadato shatiga ay ku kaluumeysaneysay iyadoo ay masuul-na ka yihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo weerar afka ah ku qaaday Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.
Next articleShirkii Baarlamaanka oo gacan ka hadal iyo buuq ku soo dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here