HomeWarkiiMidowga Yurub oo soo dhoweeyey Doorashada Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Midowga Yurub oo soo dhoweeyey Doorashada Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Waxaa soo kordhaya dalalka,Hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee taageerada u muujinaya doorashadii shalay ka qabsoontay Magaalada Muqdisho 57 sano kadib taasoo ahayd taariikh wanaagsan oo laakiin soo daahday.

Midowga Yurub ayaa war soo saaray wuxuu si weyn ugu Hambalyeeyay Soomaalida iyahoona soo dhoweeyey Doorashada Golaja Deegaanka ee Gobolka Banaadir kaasoo shalay shacabku codkooda ka dhiibteen inta badan Degmooyinka Magaalada Muqdisho markii Dowladu ay dhigtay sanaadiiqda codadka.

Midowga Yurub waxay warkooda ku sheegeen inay dhiirrigelinayaan tallaabo kasta oo awoodda dib loogu celinayo shacabka.

Sidoo kale waxay soo hadal qaadeen in Dowlada looga baahan yahay inay wada-hadal la yeelato mucaaradka madaama la ogyahay inuu jiro kala aragti duwaanaanshaha doorashada ee labada dhinac xili ay diideen mucaaradku inay aqoonsadaan doorashada iyagoo ku tilmaamay mid hal dhinac uu wato.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of text that says "Francesca Di Mauro @francescaDM_EU Follow Elections on 25/12 ran peacefully and safely. Looking fwd to hearing from civil society how the process was carried out. Any step towards giving people a chance to express their voice is to be encouraged. Further dialogue among all political actors is needed for the way forward. 15:58 •26 Dec 25. 67 Views"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -