Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa howlgallo Miino-baaris ah ka billaabay deegaannada & Degmooyinka ay ka qabsadeen ‘AS’ si loosoo saaro Miinooyinkaas sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowladda.

Howlgalladaan ayaa yimid kaddib markii saraakiisha hoggaamineysa ciidamada qabsaday magaalooyinka ay heleen xogo la xiriira in miinooyin ‘AS’ gelisay deegaannadaas kahor inta aysan ka bixin.

Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare, Taliyihii hore ee Ciidanka Nabadsugidda &  ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay heystaan agabka Miino-baarista kuna guuleysteen in ay soosaareen qaarkood.

“Waxaa nooga dhintay Askar & Saraakiil, Ciidamada qalabka sida way heystaan qalabka Miino-baarka, guud ahaan waala bixinayaa, waqtiga ay u baahan yihiin in ay dib uga dhacaan ayaa laga yaabaa, qorshaha uu cadawga ka leeyahay waa in uu daahiyo howlgallada huwanta ciidamada magaalooyinka soo galaya, in dad badan oo safar ah ama Ciidan ah ku dhammaadaan kuna argagax geliyaan” Gen. Tuuryare.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa dhanka kale sheegay in Ceelasha biyaha ee deegaannada ay qabsadeen Ciidamada Dowladda & Dadka deegaanka ay ‘AS’ ka qaateen matoorada biyaha kasoo saara balse Ciidamadu geeyeen motooro kale ay wateen.

Waxa uu soo jeediyay in loo dulqaato xaaladaha & duruufaha ku gedaaman guusha oo uu sheegay in haddii lagu sabro laga salgaari doonno ujeedka loo fuliyay howlgallada waa sida uu hadalka u dhigay Gen. Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here