War ka soo baxay Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay inay howlgal saaka ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Deegaanada howlgaladaani ay ka  dhaceen ayaa kala ah Daraar,adeegoow iyo warta Doolar  halkaasoo ay ku suganaayeen dagaalamayaasha Alshabaab.

Advertisement

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ku dileen madixii maaliyada Xoogaga Alshabaab ugu qaabilsanaa si gaar ah Gobolka Bay kaasoo lagu magacaabo Aadan Gar-dhuub.

Warka ka soo baxay Taliska Milatariga waxaa lagu sheeggay howlgalkaani inay sidoo kale ku dileen maleeshiyaad la socday Aadan gardhuub walow aaney jirin tira rasmi ah.

Taliska Nisa ayaa saacidihii ugu danbeeyay waxay shaaciyeen tiro saraakiil Alshabaab ah oo hore loogu dilay dagaalo ka kala dhacay meelo kala duwan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here