Milatariga Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa inay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoos taga Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bay.
Ciidamadaan oo ka tirsan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa watay gaadiid dagaal,waxayna ku raad joogaan dagaalamayaasha Alshabaab oo ku sugan nawaaxiga meelaha ay gaareen.
Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad G/lle Yoonis Adan Xasan ayaa sheegay inay gaareen islamarkaana howlgalo ka fuliyeen Deegaanada ay ka mid yihiin War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, Ilaa moorigaabe.
“deegaanada aan tagnay waan ka ceyrinay Khawaarijta al-shabaab”ayuu yiri Taiye G/lle Yoonis.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 3 people and grassMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people and treeMay be an image of climbing and Angel Oak treeMay be an image of 4 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here