Muqdisho (dayniiile.com)-Qaar ka mida Ciidamada Milatariga Soomaaliya qeybtooda ku sugan Magaalada Baydhaba ayaa gurmad waxay u sameeyeen shacabka Magaaladaasi oo daadadka roobabku guryaha ugu galeen.

Ciidamadaan oo shalayna sidaan oo kale gurmadka sameeyay ayaa ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 60-aad.

Advertisement

Laamiga iyo Xaafadaha Magaalada Baydhaba waxaa lagu arkayaa Gaadiidka waaweyn ee Ciidamada kuwaasoo daad gureynaya dadka jilicsan ee aan awoodin inay si fudud uga soo baxaan goobaha biyuhu ku rogmadeen.

Inta badan Gobolada Dalka iyo Caasimadaba waxaa ka da’ay roobab waa weyn oo saameyn badan ku yeeshay nolosha bulshada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiyaha Degmada Kaxda oo maanta furey Wado cusub oo muhiim u ah dadweynaha+Sawirro
Next articleAqalka Wakiillada Mareykanka oo Camaareeyay gabadh Falastiin oo iyaga ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here