Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka shabeelaha Hoose.

Ururka 143Aad Guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo Bulshada looga wacyigelinayo ficilada guracan ee khawaarijta ka sameeyay deegaanka Sabiid&Canoole iyo Tuulooyinka Hoostaga, si looga hortago dhagarta cadowga.

Taliyaha Ururka 143Aad Guutada 14 October ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad oo Goob Fakaare ah kula hadlay Boqolaal Shacab ayaa uga digay in aysan la shaqeyn khawaarijta ,oo ay Ciidanka usoo gudbiyaan xogta Nabadiidka si looga hortago dhagarta ay maleegayaan.

Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay habeen iyo maalin ay diyaar u yihiin badbaadinta Nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Fariisimaha ku leh Degaanka Sabiid&Canoole ayaa lagu Amaanay Kaalinta wanaagsan ay kaga Qeyb qaateen Badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Gobolka Shabellaha Hoose.
May be an image of 7 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 10 people
Previous articleDAAWO: Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaabilay xulka K/cagta Juballand+Sawirro
Next articleMadaxweynaha oo tacsi gudasho u tagay dalka Kuweyt+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here