HomeWarkiiMilatariga Somalia  oo xalay howlgal ku dilay laba nin oo hore Maxkamada...

Milatariga Somalia  oo xalay howlgal ku dilay laba nin oo hore Maxkamada Ciidamadu dil ugu xukuntay

WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Dagaal xalay ka dhacay deegaanka Yaaqbari-weyne oo hoostaga Degmada Wala-weyn ee  Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay laba nin oo hore Maxkamada Ciidamadu dil ugu xukuntay kuwaasoo ka soo jeeda isla deegaanka dagaalku ka dhacay.

Milateriga Somalia ayaa Howlgalkaani fuliyay gaar ahaan  ururka 64-aad guutada 7-aad oo dowladu u xilsartay inay nolol ama geeri ku keenaan maleeshiyaad badan oo ku eedeysan inay dad shacaba laayeen xili Maxkamada ciidamadu dil ku xukuntay.

Labada nin ee xalay ciidamada Dowladu dileen waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Xuseen Gobe iyo Shig-shigow.

Isla ciidamadaan  Milateriga ee Guutada 7-aad waxay dhawan sidaan oo kale isla deegaankaasi ugu soo dileen sedex iyagana ka mid ah raga ku xukuman dilka waxaana ka mid ahaa Ibraahim Suuleey,wali waxay ciidamadu baadi goobayaan kuwo kale oo iyagana dil ku xukun sida Duqow oo baraha bulshada caan ka noqday madaama uu hogaamiyo kooxdaan dilka lagu xukumay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -