HomeWarkiiMilatariga Suudaan oo doonaya inuu Ruushka siiyo saldhig badeedkii u horreeyay

Milatariga Suudaan oo doonaya inuu Ruushka siiyo saldhig badeedkii u horreeyay

May be an image of text

Milatariga Suudaan ayaa markii ugu horeysay waxay Dowlada Ruushka usoo bandhigeen inay heshiis kula galaan Saldhig weyn ay ka sameystaan Badda Sudan kaasoo dan u ah Ruushka marka loo eego istaraatiijiyadooda Dunida gaar ahaan Afrika.

Heshiiskaan wuxuu noqon doonaa 25 sano sida Milatariga Suudaan soo bandhigeen taasoo u ogolaaneysa inay soo degaan Bada Sudan,dhanka Dowlada Sudan iyagu kaliya waxay rabaan inay ku badashaan taageero Milateri oo sareeya si ay uga adkaadaan kooxaha ku kacsan ee RSF islamarkaana u soo ceshtaan Dowladnimadoodii .

Ruushka hadii ay aqbalaan wuxuu Dalka Ruushka siin doonaa awood istaraatiiji ah oo gaarsiisan marin-biyoodka Badda Cas oo dan u ah Ruushka madaama ay xifaaltan kula jiraan reer-galbeedka.

Wargeyska Wall Street Journal oo warbixintaan lagu shaaciyay wuxuu intaasi ku daray in saldhigga Ruushka uu ka helayo xeebaha Suudaan uu keensan karo Maraakiibta dagaalka ee xanbaara hubka halista badan ee Nuyukleerka.

Si kastaba Dowlada Ruushka wali go’aan kama qaadan heshiiska ay u soo bandhigeen Milateriga Sudan,sidoo kale lama yaqaan sida uu uga jawaabi doono Mareykanka hadii Ruushku aqbalo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -