Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa shalay howlgallo qorshaysan ka fuliyay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceel-dheere oo ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Howlgalka oo isugu jiray dagaal iyo duqeymo cirka ah ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Intii uu socday hawlgalkaasi waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana la burburiyay xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Duqeeymaha dhanka cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa xaqiijiyay in Khawaarijtu ay ka carareen goobihii ay deganaayeen, taasoo caddeyneysa in cadaadiska ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka uu miro dhalay.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loogana xoreynayo degaanada ay ku dhuumanayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.