Ciidamada Milateriga Eratariya ayaa xalay weerar madaafiic ah waxay ku soo qaadeen Magaalo ku taal dhanka xadka gaar ahaan dhulka Tikreega oo ku dhaw xadka Eratariya ay la leedahay Itoobiya.
Magaaalda Baru oo xuduuda ku taal ayaa la soo sheegayaa inay ku soo dhexeen madaafiicda Eratariya xili waliba halkaasi ay saldhigyo milateri ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in madaafiicda Eratariya soo ridey ay ku dhaceen saldhigyada ciidamada Itoobiya walow taliska milateriga ama wasaarada gashaandhiga Itoobiya aysan wali war ka soo saarin.
Magaaalda Baru waxay 80KM u jirtaa Dekada Casab waxaana maalmihii ugu dambeeyay labada Dowladoodba ay xuduudka ku daabukayeen ciidamo iyo gaadiid dagaal,Jabhada Tikreega ee ku kacsan Dowlada Itoobiya ayaa taageersan Dowlada Eratariya.
Madaxweynaha Maamulka Tikreega oo hadlay wuxuuba digniin u direy Dowlada Itoobiya taasoo ah iney dib u celiso ciidamada ay xuduuda ku daabulayaan,wuxuu ku hanjabay inay talaabo qaadi doonaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
