Milateriga Iran ayaa sheegay inay “u badan tahay” dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee dalka inuu dib u billaaban doono, ayna “si buuxda ugu diyaargaroobeen wax kasta oo cusub ama nacasnimo ka timaada Mareykanka”.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muujiyay inuusan ku qanacsanayn hindisaha nabadeed ee ugu dambeeyay ee Iran isagoo sheegay inay weydiinayaan waxyaabo “ma aqbali karo”.
Mareykanka ayaa uga digay shirkadaha maraakiibta ee bixiya canshuuraha ama khidmadaha kale ee Iran si ay ugu gudbaan marin biyoodka Hormuz khatarta ay Washington ku soo rogtay.
Ra’yi ururin cusub oo Washington Post-ABC-Ipsos ah ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 61 jawaab bixiyaasha Maraykanka ay aaminsan yihiin adeegsiga awoodda militari ee Trump ee ka dhanka ah Iran ay ahayd qalad.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
