HomeWarkiiMilateriga Mareykanka oo dilay dad ka badan 10 ruux kadib weerar ay...

Milateriga Mareykanka oo dilay dad ka badan 10 ruux kadib weerar ay ka fuliyeen….

Milateriga Mareykanka ayaa la soo sheegaya inay weerar ku qaadeen dooman ay ku tuhmeen ka ganacsiga daroogada halkaasoo ay ku dileen 11 ruux.

Taliyayaasha Milateriga Mareykanka ayaa hor yimid Baarlamaanka halkaasoo ay sharaxaad dheeraad ah ku bixiyeen qaabka weerarka ay qaadeen iyo 11-ka ruux ee ay dileen ,waxaana ku qancay xildhibaanada qeybta muxaafadka ee isbiga Jamhuuriga halka kuwa mucaaradka ee Dimuwuradiga uu ka hor yimid talaabadaani.
Xildhibaanada Dimuquraadiga waxay sheegeen inay aad uga naxeen howlgalka gaar ahaan markii ay arkeen dad ka baxsaday werarkaasi iyo halista ay galeen.

Wasiirka Difaaca Mareykanka Pere Hegseth ayaa isaguna warbixintaan ku daray in militarigu ay dileen afar qof weerar kale oo cusub kaasoo lagu bartilmaameedsaday doon kale oo daroogo sida oo ku sugnayd xeebaha Baasifigga taasoo dheeraad ah ku ah weerarka hore ee 11-ka ruux lagu dilay.

Warkaan ka soo baxay Waskirka iyo Taliyayaasha Milateriga ee Mareyanka ayaa imaanaya xili Mareykanlu maalmihii ugu danbeeyay waday hawlgal ballaaran oo ka socda jasiirado badan oo ku yaalla Kariibiyaanka iyagoona isu geyn dilay ilaa iminka 80 ruux kuwaasoo ay ku eedeynayaan ka ganacsiga iyo kala gudbinta daroogada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -