HomeWarkiiMilateriga Poland oo soo riday Drons ay leedahay Dowlada Ruushka

Milateriga Poland oo soo riday Drons ay leedahay Dowlada Ruushka

Milateriga Poland ayaa sheegay horraantii Arbacada inay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku soo xad-gudbay hawadooda intii uu socday weerarkii Ruushka uu ku qaaday dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine, waana markii ugu horreysay oo uu qaado tallaabo ceynkaas ah taasoo ah daandaansi weyn oo Yurub iyo ciidamada NATO.

“Tani waa fal gardaro ah oo khatar dhab ah ku ah badbaadada muwaadiniinteena,” ayuu ku yidhi Taliska Hawl-galka Poland qoraal uu soo dhigay X subaxnimadii Arbacada.

Raiisel wasaare Donald Tusk ayaa sheegay in hawada Poland lagu soo xadgudbay tiro aad u badan oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka oo la soo riday, Wuxuu sheegay inuu xiriir joogto ah la lahaa xoghayaha guud ee NATO iyo xulafada Poland.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed diyaaradood oo Shahed ah lagu bartilmaameedsaday Poland, taasoo uu ugu yeeray hordhac aad u khatar badan oo Yurub ah.

“Amniga dalkeena hooyo waa mudnaantayada ugu sareysa,” ayuu yiri madaxweynaha Poland Karol Nawrocki, ka hor shir degdeg ah oo uu yeelanayo Xafiiska Amniga Qaranka Poland.

Poland waa xubin ka mid ah isbahaysiga NATO, heshiiska difaaca transatlantic ee ku lug leh Maraykanka kaas oo ka shaqeeya mabda’a ah in weerarka mid ka mid ah uu yahay weerar dhammaan.

Caqiidada reer Yurub ee kalsoonida lagu aamini karo heshiiskaas ayaa waxaa gilgilay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isaga oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada ugu baaqay Yurub inay hormuud ka noqdaan difaacooda.

Milateriga Poland ayaa u mahadceliyey xubinta NATO ee Nederland ka qayb qaadashada dayuuradaha dagaalka ee F-35 hawlgalada difaaca habeenkii.

Hogaamiyaha cusub ee NATO, Sweden, ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin dhaq dhaqaaqyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ku hayaan hawada Poland.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -