UGUNJI (DAYNIILE.COM)-Mid ka mid ah Deegaanadii ugu caansanaa dhulka Alshabaab heystay ayaa maanta gacantooda laga saaray markii Milateriga Somalia ay weerar ku qaadeen.
Deegaanka Ugunji oo ah halkab Alshabaab laga saaray ayaa ku dhaw Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaasoo mudo sanado ah ay heysteen Alshabaab.
Deegaanka Ugunji oo aad caan u ah ayaa lagu bartay madaama uu yahay saldhiga ugu weyn ee Alahabaabku dadka ku maxkamadweyaan.
Qaar ka mis ah Dadka Muqdisho iyo shabeelooyinka ayaa u xukun tagi jirey Deegaanka Ugunji si Alshabaabku u soo kala saaraan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
