AWDHEEGLE (DAYNIILE.COM)-Sida Milateriga Somalia sheegeen waxay weerar ku qaadeen Alshabaab ku sugnaa Tuulooyin hoos taga Deegaanka Tooratoorow ee ka tirsan Degmada Awdheegle Gobolka Shabeelaha hoose halkaasoo guulana ay ka soo hooyeen ciidamada Dowladu.
Sarkaal u hadlay Milateriga ayaa sheegay inay Alshabaab ka eryeen tuulooyinka kala ah Faay Yuusuf iyo Cumar Beere oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose kadib duulaan ay ku qaadeen sida uu sheegay.
“way carareen waxay galeen deegaanka Toora-toorow mana uga hari doono oo waa ka daba geli doonaa ” ayuu yiri Sarkaalka u hadlay Milateriga Somalia
Howlgalada ka socda Gobolka Shabeelaha hoose ayaa noqday kuwo joogto ah iyadoo ciidamada Milateriga Somalia dhawaana sidaas oo kale alshabaab uga saareen deegaano ay mudo joogeen kooxdaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
