HomeWarkiiMilateriga Somalia iyo AUSSOM oo saaka fashiliyay weerar Alshabaab ku soo qaadeen...

Milateriga Somalia iyo AUSSOM oo saaka fashiliyay weerar Alshabaab ku soo qaadeen Deegaanada Sabiib iyo Caanoole

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPF ayaa saaka fashiliyey weerar naf la caarinimo ah oo ay Khawaarijta AS kusoo qaadeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo si weyn u dhacay ayaa ka bilaabmay waaberigii hore, iyadoo ciidanka XDS iyo saaxiibadooda UPF ay muujiyeen feejignaan, karti iyo go’aan adag oo ay kaga hortageen weerarkii cadowga. Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka soo qaaday ayaa jab xooggan kala kulmay, iyadoo laga dilay tiro badan oo maydadkooda ay daadsan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay.
Waxaa dagaalka si gaar ah uga qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dharbaaxo culus ku dhuftay firxadkii cadawga ee isku dayayey inay ka cararaan goobta dagaalka.
Firxadka Khawaarijta ayaa hadda lagu raad-joogaa dhulka howdka iyo beeraha ee gobolka Shabeellaha hoose iyadoo ciidamada ay sii wadaan baaritaanno iyo howlgallo nadiifin ah.
Wixii faahfaahin dheeraad ah, la soco wararka rasmiga ah ee ka imaanaya Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -