HomeWarkiiMilateriga Somalia iyo AUSSOM oo Galabta si buuxda Alshabaab uga saaray Bariire

Milateriga Somalia iyo AUSSOM oo Galabta si buuxda Alshabaab uga saaray Bariire

AW-DHEEGLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha hoose oo maalmihii ugu danbeeyay ay dagaalo ka socdeen ayaa ugu danbeyn waxaa galabta guul weyn ka gaaray Milateriga Somali iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanayay.
Dagaalka oo socday mudo asbuuc ayay ciidamada isbahaysanaya waxay si buuxda ula waregeen deegaaanka Bariire oo hoos taga Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose kadib markii ay halkaasi ka eryeen dagaalamayaashii Alshabaab ee mudadaasi asbuuca ah ku mintidayay deegaankaasi.
Weerarka ciidamada Somalia iyo kuwa AUSSOM ku qaadeen Alshabaab-kii ku sugna Deegaanka Bariire ayaa isugu jiray dhul iyo cir iyadoo la ogyahay in dagaalka tooska ah ee dhulka uu bar bar socday duqeymo xaga cirka ah oo saaxiibada beesha caalamku ka kaalmeynayeen.
Alshabaab ayaa la sheegay in mudada asbuuca ah dagaalka socday ay ka dagalaamayeen godad ay dhufeysyo ka qoteen, balse ciidamada isbahaysanaya ayaa ugu danbeyn galabta ka fara maroojiyay guud ahaan deegaanka Bariire meelihii ay godadka ka qoteen.
War Dowlada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalka intii uu socday ay ku dileen tiro alshabab ka tirsan halka kuwo kalana qaarna dhaawacmeen qaarna nolosha ay ku qabteen.
.Saraakiisha Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta Qaranka waxay u sheegeenin xaaladda amni deegaanka Bariire iyo deegaannadii kale ee laga sameeyay howlgalka ay haatan tahay mid degan.
Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in  sii wadi doonaan  howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMNo photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -