HomeWarkiiMilateriga Somalia iyo kuwa Uganda oo Alshabaab ka saaray Tuulooyin ka tirsan...

Milateriga Somalia iyo kuwa Uganda oo Alshabaab ka saaray Tuulooyin ka tirsan Degmada Awdhiigle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda ayaa maanta Kooxda Khawaarijta ka xoreeyey tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle kuwaas oo kala ah Shaamgare iyo Raqayle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal kooban oo ka dhacay tuuloyinkaan ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxana howlgalkaan uu soo bilowday saakay aroor hore, iyadoo Ciidanka Qaranka iyo kuwa AUSSOM si xirfad leh u wajaheen goobihii ay Khawaarijtu isku dayeen inay ku dhuuntaan.

Intii uu hawlgalka socday, maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa laga saaray godadkii ay ku dhuumanayeen, iyadoona qasaare culus lagu gaarsiiyay halka qaar kalena ay baxsadeen, waxana howlgalkaan uu qeyb ka yahay Duufaanta Aamusan wejigiisa saddexaad.May be an image of 10 peopleMay be an image of turtle and echidnaMay be an image of treeMay be an image of echidna and chipmunkMay be an image of tree

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -