Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha Ciidamada Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay duleedka deegaanka Biyacade ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalka oo si taxaddar leh loo fuliyay ayaa diiradda lagu saarayay burburinta saldhigyo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen baadiyaha deegaankaasi, waxaana lagu guuleystay in halkaas lagaga saaro Khawaarijta oo ay horay ugu dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ay ahayd xaqiijinta amniga shacabka ku nool dhulka miyiga ee Biya-cadde waxaana howlgalka lagu burburiyay goobo ay Khawaarijtu ku diyaarsanayeen falal lidi ku ah nabadda.






