Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kaa shanaya Ciidamada Deegaanka ayaa habiinimadii xalay weerar ku qaaday fadhiisimo maleeshiyaadka Alshabaab ay ka sameysteen dhulka howdka ah ee u dhxeeya deegaanada Cali- heelle iyo Ciid-Kuus ee gobalka Galgaduud.
Ciidanka ayaa bur buriyay fadhiyo argagixisadu maalmihii la Soo dhaafay ay ka sameysteen deegaanadaas, Saraakiisha howlgalka Hogaminayay ayaa xaqeejiyay inay dileen tobaneeyo alshabaab ka tirsanaa.
Gutada 77aad ee CXDS iyo Xoogaga deegaanka oo howlgalkan iska kaashaday ayay u suura gashay in dhamaan rugihii argagixisada ee deegaanada Cali-heelle Iyo Ciid-Kuus ay ciidanku Cagta mariyaaan.

