GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Geddo ayaa sheegaya in ciidamada Xooga Somalia ay weerar culus ku qaadeen deegaanka birta dheere ee duleedka Magaaladaani.
Wararku waxay tilmaamayaan in weerarku yimid kadib markii ciidamada Xooga ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo Alshabaab halkaasi ka sameynayeen taasina ay keentay inteysan iyagu weerar soo qaadin in looga hor maro.
Warar ku dhaw dhaw dagaalka ayaa sheegaya in Milateriga Somalia uu cagta mariyay goobihii Alshabaab lagu weeraray ee ay isku urursanayeen, sidoo kale dagaalka kadib ciidamada Dowlada ayaa isla aagaasi ka wada howlgalo amni xaqiijin
Dhanka kale khasaaraha ka dhashay dagaalka a jirto cid faah-faahin ka bixisay marka la eego saraakiisha ciidamada Xooga ee hogaaminaya dagaalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
