HomeWarkiiMilateriga Somalia oo degaanada koofur galbeed ka fuliyay howlgal ka dhan ah...

Milateriga Somalia oo degaanada koofur galbeed ka fuliyay howlgal ka dhan ah Alshabaab+SAWIRRO

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ka fuliyay tuulooyinka Baani, Lafaale iyo Abal ee dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool.
Howlgalkan oo socday muddo 48 saacadood ah ayaa Ciidanku ku guuleystay in ay cagta mariyaan tuulooyin ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo isku dayayay in ay kasoo abaabulaan falal argagixiso ah deegaanadaas.
Taliyaha Ururka 93-aad, Dhamme Maxamed Nuur Sheekh (Tarre), ayaa warbaahinta Ciidanka u sheegay in howlgalku uu qayb ka yahay qorshaha ciidamada qaranka uga go’an ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee weli ku dhuumaaleysanaya meelo ka mid ah gobolka Bakool.
Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa cadawga, isla markaana ay weli socdaan baadi-goobka iyo raad-raaca kooxaha firxadka ah ee Khawaarijta.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar walba u taagan difaaca shacabka iyo xoreynta dhammaan deegaanada ay Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.May be an image of 4 people and rhinocerosMay be an image of 6 people, cheetah and rhinocerosMay be an image of 2 people, cheetah and UluruMay be an image of 4 people, rhinoceros and cheetahMay be an image of 6 people, rhinoceros and cheetahMay be an image of 2 people and rhinocerosMay be an image of 3 people and rhinocerosMay be an image of 2 people and rhinocerosMay be an image of 1 person, cheetah and grass
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -