MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Af-hayeenka Wasaarada Difaaca Dowlada Somalia Shekh Abukar ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada Xooga Dalku dhawaan Dalka ka bilaabi doonaan howlgal loogu magac daray daafuunta aamusan.
Afhayeenka wuxu sheegay in Howlgalkaan qorshuhu yahay in Alshabaab looga saaro deegaano badan oo ay ka joogaan Koofurta iyo bartamaha Somalia kuwaasoo qaarkood ay dhawaan qabsadeen.
Sheekh Abukar wuxuu xusay inuusan hada rabin sharaxaad dheerad ah bixiyo balse wuxuu carabka ku adkeeyay in shacabku mar dhaw maqli doonaan war ay ku farxaan sida uu warka u dhigay Afhyeenka Wasaarada Difaaca ee xukuumada Somalia.
“sidaad ka war heysaanba taliyayaashii ciidamada kala duwan ee Dowlada sida kii guud ee Milateriga iyo kii lugta waxay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Gobolada dalka mana ah socdaalkoodu mid beer daro ah,waxay u tageen dhiiri gelin ,kormeer iyo dar dar geliyaan dagaalka,waxay wadaan abaabulka deegaano hor leh in alshabaab laga saaro”ayuu yiri Afhayeenka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
