Howlgal qorsheysan oo sifeyn ahaa ayay Geesiyaasha Qarankeenna ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaga hortageen weeraro ay Khawaarijta ku qorsheynayeen dhul howd ah oo udhaxeeya deegaanka Janaale iyo Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Geesiyaal katirsan Guutooyinka 14-ka October iyo 20-aad ee Gorgor oo howlgalka fuliyay ayaa si buuxda u Fashiliyay Maleeshiyaad ay Khawaarijta u Abaabuleysay inay weeraro Naflacaarinimo ah ku qaadaan Fadhiyada Xoogga Dalka iyo AUSSOM ee Aagga Janaale iyo Awdheegle, kadib markii la helay xogta damaca Kooxda.
Taliyaha Guutada 14-ka October G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Xaqiijiyay in jab Xooggan uu Khawaarijta dhiig miiratada ah ka soo gaaray Howlgalka, sidoo kalana lagu Khaarijiyay horjoogayaal ku howlanaa Farsameynta qaraxyada iyo Aasidda Miinooyin ay ku dhagri lahaayeen Shacab Masaakiin ah oo aan waxba galabsan.
Howlgalka ayay Libaaxyada Qarankeenna si gaar ah uga fuliyeen dhulka hawdka ah ee ku teedsan tuulooyinka Ay-buutey iyo Gumeysidiid, kuwaas oo dhaca dhinaca Degmada Awdheegle iyo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.





