Sida warbaahinta Dowlada lagu shaaciyay Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kahortagay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo isku dayay inay soo weeraraan magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud. Ciidanka ayaa jab xooggan ku dhigay cadawga, gaar ahaan qaybta koowaad ee weerarka, iyada uu dagaalku weli halkaasi ka socdo.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi ayaa isna ka hadlay dagaalka saaka Alshabaab ku soo qaadeen Ceeldheer iyo sida ciidamada Dowladu uga hortageen una fashiliyeen isku deygii alshabaab ku qabsan lahaayeen.
Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Alshabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Qoraal kooban oo uu Wasiir Fiqi ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku saaka waxay Alshabaab ugu dhigeen cashar lama ilaawaan ah magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Maydadkoodii iyo dhaawacooda toona ma awoodin inay qaataan! Mahad Alle ayaa leh.”
