Sida goor dhaw lagu shaaciyay Warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka fuliyey deegaano ka tirsan bariga Gobolka Hiiraan, kuwaas oo Khawaarijta looga saaray, degaano dhoowr ah, si loo xaqiijiyo amniga guud ee shacabka ku nool halkaas.
Howlgallkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku ciribtirayaan Khawaarijta, looguna xoreynayo deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.
Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Gaashaanle Dhexe Cali Cagay, ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgalka Heeryada Cadowga, looga dulqaadayo shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyinka ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah.
Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ilaa laga ciribtirayo guud ahaan dalka.




