Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada Deegaanka ayaa maanta fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Moqokori iyo Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo ahaa mid si xeel-dheer loo agaasimay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo isku dayayey in ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanka Yasooman, Ciidamada ayaa xog sugan ka helay dhaq-dhaqaaqa cadowga, kaddibna u dhigay jid-gooyo meel u dhow Yasooman.
Intii uu socday weerarka, ciidamada ayaa cadowga gaarsiiyey khasaare lixaad leh, waxaana halkaasi lagu dilay in ka badan shan dhagar-qabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka. Sidoo kale, waxaa laga furtay shan qori oo nooca AK-47 ah, halka la gubay mid kamid ah gaadiid dagaal oo ay wateen, loona yaqaano “Cabdi Bile.

