Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo muhiim ah ka fuliyey deegaano istaraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo ku teedsan wadada muhiimka ah ee isku xirta Cali Yabaal iyo Isgoyska Geeriile.
Howlgalkan oo ujeedkiisu ahaa sifeynta khawaarijta naf-la-caariga ah, ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 242-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Dhamme Bashiir Qorane. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay fashiliyaan dhagaro ay khawaarijtu usoo maleegayeen shacabka iyo isku-socodka gaadiidka ee wadada muhiimka ah.
Sidoo kale, Dhamme Bashiir Qorane ayaa tilmaamay in ciidamada ay burburiyeen goobihii gabaadka u ahaa kooxaha khawaarijta, kuwaas oo ay ku dhuuman jireen si ay u fuliyaan falal ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.



