Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorshaysan ka fuliyey degaannada Ceel-Xarar, Lafale, Garas, Shimbirow iyo tuulooyin kale oo hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyey saldhigyo iyo gabaadyo ay halkaas ku lahaayeen.
Taliyaha Ururka 95-aad, Guutada 9-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, L/x/le Isaaq Maxamed Ibraahim, oo howlgalka hoggaaminayey, ayaa sheegay in ciidamadu ay si guul leh uga saareen Khawaarijta goobihii ay ku dhuumanayeen, isla markaana uu socdo howlgalka xoreynta guud ee degaannada gobolka Bakool.













