Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Dhulka ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay wadada isku xirta degmooyinka Wajid iyo Baydhabo ee gobolka Bakool, halkaas oo ay si dhuumaaleysi ah shacabka ugu dhibaateyn jireen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.Howlgalka oo si feejigan loo fuliyay ayaa lagu burburiyay goobihii gabaadka u ahaa Khawaarijta.
Taliye ku xigeenka Guutada 9aad ee Qaybta 60aad Dhame Cilmi Aadan Isaaq oo warbaahinta Ciidamada Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa in lagu ciribtiro Khawaarijta dhibaateynaysay shacabka ku safra wadadaasi, loona xaqiijiyo amniga iyo isku socodka bulshada.
Dhame Cilmi ayaa hoosta ka xarriiqay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sifeynayo gobolka, si loo xaqiijiyo nabadda, loogana takhaluso khatarta ay Khawaarijtu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tan iyo markii uu billowday wajiga cusub ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta ka fulinayay gobollada Koonfur Galbeed iyo meelo kale oo dalka ah howlgallo guulo waaweyn laga gaaray.





















