Sida lagu baahiyay raadiyaha ciidamada Dowlada Milateriga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo diyaariyey ka fuliyey deegaano hoos yimaada degmooyinka Afgooye iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Shabeelley, Cismaan Dure, Boolo Doonka, Bangaleey iyo Waan Daasha, halkaas oo khawaarijtu ku lahayeen goobo gabaad oo ay ka abaabuli jireen falalka amni–darro, ayna ku dhibaateyn jireen shacabka deegaanka.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn uu ahaa burburinta saldhigyadan ay khawaarijtu isticmaali jireen, isla markaana lagu baabi’iyo awooddooda ku aaddan dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.




