HomeWarkiiMilateriga Somalia oo ka hor-tagay weerar Alshabaab ku soo qaadeen tuulooyin hoos...

Milateriga Somalia oo ka hor-tagay weerar Alshabaab ku soo qaadeen tuulooyin hoos taga Degmada Balcad

BALCAD (DAYNIILE.COM)-Sida ay Warbaahinta u cadeeyeen saraakiisha Ciidamada Xoogga Dowlada Somaliya hwlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab ayay ka fuliyeen Deegaano hoos taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe markaasoo ay ka war heleen weerar ka yimid dhanka Alshabaab.

Saraakiisha waxay sheegeen inay fashiliyeen oo ka hortageen weerar qorsheysnaa oo Alshabaab la rabeen inay ku soo galaan si dhuumaaleysi ah tuulooyin hoos taga Degmada Balcad xili ay ka soo talaabeen wabiga.

Mar ay ka hadlayeen khasaaraha ka dhashay rasaasta la isu adeegsanayay ayay sheegeen inay khasaare gaarsiiyeen kooxda Alshabaab dibna uga riixeen meelihii ay soo weerareen,saraakisha waxay sheegeen inay mar kasta milaterigu u taagan yihiin ka hortaga iyo ciribtirka kooxda Alshabaab .

“Alle ayaa mahad oo dhan u sugnaatay kooxda Khawaarijta waxay soo weerareen beeraha ku yaal Walamow iyagoo dhanka wabiga ka soo talaabay laakiin ciidamadeena Xooga ayaa ka hor tagay, waana shaqadeena inaan dabar goyno alshabaab, uguna galno meel kasta oo ay cagta soo dhigaan ” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo ka hadlayay dagaalka

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -