Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgall qorsheysan ka fuliyey tuulada Guudale, oo 22 km dhanka bari kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Howlgalkan oo si heer sare ah loo diyaariyey, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu beegsado horjooge ka tirsan Khawaarijta oo deegaankaas ku dhuumaaleysanayay, kaasoo lagu magacaabo Sheekh Aadan.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka waxay toogasho ku dileen dhagarqabayaal ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta.
Sidoo kale, horjoogihii bartilmaameedka ahaa, Sheekh Aadan, uu ku baxsaday isagoo dhaawac culus qaba.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gobolada dalka ka wada howlgallo sifeyn ah oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

