HomeWarkiiMilateriga Somalia oo ku sii dhawaanaya inay Alshabaab ka saaraan Degmada Awdheegle

Milateriga Somalia oo ku sii dhawaanaya inay Alshabaab ka saaraan Degmada Awdheegle

AWDHEEGLE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Milateriga Somalia uu qorsheynayo inuu Alshabaab ka saaro Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire oo gacanta kooxdaasi ku jira.

Wararka ayaa tilmaamaya in Milateriga oo wata dabaabaadka dagaalka islamarkaana garabka helaya ciidamada Midowga Afrika ay ku sii siqayaan Magaalada Awdheegle xili dhawaan ay Alshabaabka saareen degaanada Sabiib iyo Caanoole oo hoos taga Degmada Afgooye dhanka kale ku dhaw Awdheegle iyo Bariire.

Dadka deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay barakac bilaabeen markii ay ku bateen duqeymaha ay is dhaafsanayaan labada ciidan  ee Dowlada iyo Alshabaab oo waliba ay u dheertahay duqeymaha xaga cirka.

Todobaadkii hore duqeyn xaga cirka ah waxa ku baaba’ay qoys soomaaliyeed oo beeraley ah gaar ahaan dadka ku dhaqan degmada Awdheegle oo Alshabaabku heystaan.

Sedex ka mid ah Qoyska ayaa ku dhintay gantaalka diyaaradaha Drons-ka ay soo rideen xili alshabaab ay la rabeen waxaana ku dhaawacmay tira kale,sidoo kale duqeyn shalay ku dhacday deegaanka Bariire hal qof oo dumar ah ayaa ku dhimatay iyo dhaawac dad kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -