HomeWarkiiMilateriga Somalia oo maanta howlgal ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay deegaanka...

Milateriga Somalia oo maanta howlgal ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay deegaanka Janaale +SAWIRRO

Sida aan ka soo xiganay Dowlada  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 144-aad iyo 145-aad ee Guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo sifeyn ahaa maanta ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gabbaad ka dhiganayeen Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa Xaqiijiyay inta uu howlgalka socday inay Geesiyaasha Qarankeenna si gaar ah ubeegsadeen dooman ay Khawaarijta isaga kala gudbi jireen labada dhinac ee Wabiga, laguna guuleystay in la burburiyo doomankaas iyo goobo kale oo ay Khawaarijta si dhuumaaleysi ah baad uga qaadan jirtay Shacabka Beeraleyda ah.

Howlgalka ayay Libaaxyada Qarankeenna si gaar ah uga fuliyeen Tuulooyinka kala ah “Malable, Beeraha baay, Siigaale bari iyo Doonkaa-daafeedow” waxayna dhamaantood hoostagaan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.No photo description available.No photo description available.No photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -