WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Milateriga Somalia ayaa xalay deegaanka Haakow oo hoostaga Magaalada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxay ku toogteen mid ka mid ah eedeysanayaal Maxkamada Ciidamada qalabka sida hore dil ugu xukuntay kaasoo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley).
Suuleey Allaha u naxariistee iyo eedeysanayaal kale oo uu ka mid yahayFu’aad Axmed Maxamed (Duqow) ayaa 22-kii bishii November Maxkamadda ciidamadu waxay ku xukuntay dil toogasho ah iyagoo ka maqan gacanta Dowlada balse xalay ugu danbeyn waxaa howlgal lagu qaarajiyay Suuleey .
Eehalada Ninka la dilay ayay Dowladu ku wargelisay inay keeneen saldhiga Degmada Wala-weyn sidaas daraadeedna ay u fasaxan yihiin inay aastaan,sidoo kale Ciisamaa Dowladu waxalay wali baadi goobayaan rag kale oo iyagana Maxkamada ciidamadu dil kula xukuntay Yuusuf Suuley waxaana ugu horeeya Duqow marar badan baraha bulsjada ka soo muuqday isagoo ciidamada Dowlada ugu janjabaya inuu iska diaaci doono ,waxaana ka mid ah raga kale ee la raadinayo Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed, Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey) iyo Xuseen Maxamed Qaasim.
Edeysanaha xalay la dilay iyo maleeshiyaad kale oo la socday ayay Maxkamadu sheegtay inay ku heshay dilka dad shacaba oo ay tiradooda ku sheegtay ilaa 5 ruux iyo dhaawac tira intaasi ka badan.
Eedeysanayaasha la xukumay ayaa ka soo kala jeeda Beelaha Gaaljacel iyo Shanta Caleemood kuwaasoo tuulooyin hoos taga Wala-weyn ku dagaalamay dad aan waxba galabsan qaab aargoosi ah isaga dilay waxayna ka mid ahaa odeygi isagoo nool la gubay taasoo taariikhda Somalia ku cusub walow mar kale sidaas oo kale xiligii armaajo Muqdisho nin u dhashay Beesha Jareer weyne isna la sheeay in la gubay walow aysan la mid ahayn mida Shabeelaha hoose oo kale oo muuqaal laga duubay.
XAFIISKA WARARA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
