Ciidamo ka kala tirsan Milateriga Somalia,kuwa Midowga Yurub iyo howlgalka AUSSOM ayaa si wada jir ah waxay dhoola-tus ugu sameeyeen Magaalada Muqdisho.
Dhoolatus-kaan ciidan oo lagu magacaabay Green Shield ayaa ka dhacay xarunta tababarka General Dhagabadan waxaana uu noqonayaa kii ugu horeysay oo nuuciisa ah oo ay iskala qeybgalaan ciidamadaasi kala duwan.
Ujeedka Dhoola tuska ayaa lagu sheegay mid lagu muujinaayo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaalida, Midowga Yurub, iyo Midowga Afrika
Madaama Hay’adaha amniga Somalia iyo beesha Caalamka uu sii hagaagyo xiriirka ka dhaxeeya ayaa sidoo kale waxaa dhoola tuska ujeedkiisa lagu sheegay u diyaar garowga xaaladq amni sida miinada la dhigo waddooyinka ee shacaba lagu qarxiyo.
Dhoolatusyada nuucaan ee tababaradu ku jiraan iyo waliba aqoon kala kororsiga ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo xirfadda iyo kartida ciidamada Soomaaliyeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM