HomeWarkiiMilateriga Soomaaliya oo Sh.dhexe ka fuliyay Howlgal ka dhan ah Alshabaab

Milateriga Soomaaliya oo Sh.dhexe ka fuliyay Howlgal ka dhan ah Alshabaab

Sida Dowladu goor dhacay shaacisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Jabad Godane oo hoostaga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxaha nabad-diidka ah.
Howlgalka oo si taxadar leh loo hagayay, ayaa geesiyaasha CXDS ku dileen tiro ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, halka kuwo kalena ay kaga carareen goobta, iyagoo ciidamadu awood u yeesheen in ay gudaha u galaan deegaanka Xawaadleey.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in ujeedku yahay in Khawaarijta laga cirib tiro deegaan kasta oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan, si dadka shacabka ah loogu soo celiyo nabad, xasillooni iyo nolol caadi ah.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -